Markii ugu horraysay maamulka Yahuudda Sahyuuniyadda ayaa dalka Soomaaliya ku darsan aagga cas ee amnigiisa qaranka taas oo ka dhigan in xiriirka uu laleeyahay maamulka isku magacaabay Somaliland uu ka dhigtay jaranjaro uu ugusoo duullo dalka.
Binyamiin Netanyahu ayaa khariidadan soo bandhigay intii lagu jiray kulan ay yeesheen golaha wasiirrada amniga Sahaayinada kaabinet) kaas oo uu ku soo bandhigay aragtidiisa cusub ee amniga qaranka waxa loogu yeero Israa’iil.
Khariidaddu waxay muujinaysaa aragti xiiso leh oo ku saabsan sida loo arko isu-dheellitirka awoodaha iyo isbahaysiyada Bariga Dhexe oo dalal badan ay ku loollamayaan.
Khariidaddu waxay gobolka u kala qaybinaysaa saddex xulufood oo waaweyn:
1. Isbahaysiga Yahuudda iyo Imaaraadka Carabta oo dhinac ah halkaas oo ah meesha ay Sahaayinadu soomaaliya ugasoo dareen khariiradda.
Isbahaysigan waxaa ku jira dalal saaxiib la ah labada dhinac, kuwaas oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Giriigga, Hindiya, Azerbaijan, bariga Liibiya iyo maamulka isku magacaabay Somaliland.
2. Isbahaysiga Sacuudiga, Masar, Turkiga iyo Pakistan.
Kooxdan waxaa loo sawirayaa inay tahay awood goboleed madax-bannaan oo ka duwan isbahaysiga Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta.
3. Isbahaysiga Muqaawamada ama wax iska caabinta oo ay hoggaamiso Iiraan.
Isbahaysigan waxaa ku jira Xuutiyiinta Yemen, Xisbullah ee Lubnaan, kooxaha hubaysan ee Ciraaq iyo Xamaas.
Waxa ugu yaabka badan ayaa ah in khariidaddu Sacuudiga iyo Yahuudda gelinayso laba isbahaysi oo kala duwan, inkasta oo labaduba xiriir la leeyihiin Maraykanka, isla markaana ay iska kaashanayaan dagaalka Yemen.
Khariidaddu waxay Bariga Dhexe u sawiraysaa goob uu ka jiro tartan u dhexeeya saddex awoodood oo waaweyn, halkii xaaladda gobolka lagu koobi lahaa iska horimaadka Israa’iil iyo Iiraan oo keliya.
Netenyaahu ayaa boggiisa Twitter ku faafiyay khariiradda oo faahfaahsan wuxuuna map-ka Soomaaliya calaamad saaray gobollada waqooyi galbeed ee uu ka arrimiyo maamulka Somaliland iyo gobollada waqooyi Bari ee uu ka jiro maamulka Puntland, labadan maamul mid wuxuu si toos ah xiriir ula leeyahay Yahuudda halka midka kale uu xaaliif dhow la yahay dowladda Imaaraatka Carabta balse marka layskusoo xooriyo ay isku yihiin xulufada Yahuudda.